Table of Contents
Waa maxay ganacsi
Hordhac: Muhiimada ganacsigu ku dhexleeyahay nolosha bulshada.
Ganacsigu waa tiir aasaasi ah oo laf dhabar u ah jiritaanka nolasha sidoo kale waa mashiinka dhaqaajiya nolosha bulshada. Hadii uusan jirin ganacsi, noloshu way istaagi lahayd, madaama baahiyaha daruuriga ah ee bini’aadamka aan la dabooli Karin ganacsi la’aantii.
Sidaa owgeed, ganacsigu wuxuu ku dhisanyahay isku tiirsanaashaha iyo is dhexgalka ka dhaxeeya iibiyaha iyo iibsadaha, kuwaas oo mid walba u baahan kan kale si u daboolaan baahiyahooda una sii wataan noloshooda.
Tusaale ahaan: iibsaduhu wuxuu u baahan yahay badeecad ama adeeg si uu nolosha u maareeyo, halka iibiyuhu u baahan yahay macaash ama faa’ido si u maareeyo baahidiisa nafeed iyo tan ganacsi. Waxay ka dhigantahay maahmaahdii oran jirtay “Bude qabe iyo biyo qabe waa isku baahanyihiin”.
Ganacsi waxaa lagu qeexaa hawlaha ku saleysan wax soosaarka ama soo iibsashada iyo sii iibinta badeecado ama adeegyo, iyadoo ujeedadu tahay in la helofaa’iido.
qaababka ganacsiga: Lahaanshaha iyo qaabka sharci ahaan loo diwaan galiyo ganacsiga (Ownership & Legal Forms of business)
Ganacsiyadu kuma kala duwana oo kaliya waxqabadyada ay macaamiisha u qabtaan sida: ganacsi adeeg bixiya, ganacsi badeecad bixiya, ama ganacsi wax-soo saara, balse waxay sidoo kale ku kala duwan yihiin lahaanshaha cidda iska leh iyo qaababka sharci ahaan dowladahu u diwaangaliyaan.
Qaab dhismeedka iyo lahaanshaha ganacsiga waxay go’aamiyaan masuuliyado badan oo sharci ah, sida: canshuuraha uu ganacsigu bixinayo, sida loo qaybsanayo faa’idada iyo khasaaraha ka soo baxayasa ganacsiga, iyo masuuliyada daymaha uu ganacsigu soo qaato cidda dhabarka u ridanaysa.
Ganacsiga marka laga eego dhinaca lahaanshaha iyo qaab dhismeedka wuxuu noqon karaa: gedisle (sole trader), shirko xuduud lahayn (partnership), shirko xuduud leh (limited company) iyo iskaashato (cooperatives).
1. Geddisle (sole trader ama Sole Proprietorship)

Waa maxay sole trader ama Sole Proprietorship (geddisle
Geddisle (sole trader) waa ganacsi uu hal qof kaligiis leeyahay, kaas oo si buuxda u maamula ganacsigiisa isla markaana qaata dhamaan faa’iidada iyo khasaaraha ka dhasha.
Sole Trader ama Sole Proprietorship waa qaabkka ganacsi ugu qadiimsan uguna caansan hadana ugu fudud ee bini’aadamku adeegsado, wuxuuna ahaa qaabkii ganacsi ugu horeeyay ee aadanahu bilaabo.
In kastoo wadamadu ku kala duwan yihiin shuruucda diwaangalinta ganacsiyada, hadana wadamada reer Galbeedka dhammaantood waxa waajib ah in aad hay’adda canshuurta iska diwaangelisid oo u sheegtid in aad bilowday ganacsi geddisle ah (sole trader). Waddammada qaarkood waxa shahaadada aqoonsiga bixin kara xafiisyada dawladda hoose.
Faa’iidooyinka iyo Qasaarooyinka Ganacsi Qof Keliya Leeyahay (Geddisle / Sole Trader)
Ganacsi Qofka Keliya Leeyahay (Geddisle ama Sole Trader) waa nooca ugu fudud uguna badan ganacsiyada ka jira suuqyada caalamka, gaar ahaan dalalka soo koraya. Inkastoo uu leeyahay faa’iidooyin badan oo ka dhigaya mid waxtar badan, haddana wuxuu leeyahay khasaarooyin iyo caqabado u baahan in si cilmiyaysan loo daraaseeyo.
Waxyaabaha Geddisle ku Fiican Yahay (Advantages of Sole Trade)
- Bilaabid sahalan iyo kharash yar: Ganacsiga Geddislaha ah waa mid si sahlan loo bilaabi karo, madaama uusan u baahnayn hab diiwaangelin adag iyo raasumaal badan.
- Go’aan Qaadasho Degdeg ah: Madaama uu hal qof kaligiis maamulo, go’aamada waa kuwo degdeg loo gaaro aan u baahnayn wada-tashi badan.
- Faa’iidada Oo Dhan Mulkiilaha ayaa qaata: Dhamaan faa’iidada ganacsigan soo saaro waxaa iska leh mulkiilaha kaligiis, ma jirto cid kale la wadaagta, taasina waxay dhiirrigelisaa mulkiilaha.
- Sirta Ganacsiga (Privacy): Macluumaadka maaliyadeed ee ganacsiga waa mid qarsoodi ah, looma baahna in la shaaciyo xisaabaadka ganacsiga.
Waxyaabaha Geddisle ku Xun Yahay (Disadvantages of Sole Trade)
- Masuuliyada daymaha: Mid ka mid ah qodobada uu ku xunyahay ganacsiga geddislaha waa masuuliyada aan xadlahayn (Unlimited Liability).
Wixii dhib ah ee ku yimaada ganacsiga waxa u qoolan mulkiilaha, Tusaale ahaan haddii dayn lagu yeesho ganacsiga, dayntaas waxay la mid tahay dayn lagu leeyahay qofka mulkiilaha ah.
Unlimited Liability waa eray ardaydu micnihiisa ku wareeraan, eraygan waxa loola jedaa; mulkiilaha ayaa mas’uul ka noqonaya daymaha uu ganacsigu soo qaadanayo, hadii uu ganacsigu guuldareysto oo daymaha ganacsiga lagu lahaa la bixin waayo, Hantida gaarka ah ee mulkiilaha, sida guryaha, baabuurta, iyo kaydkiisa kale, ayaa la xaraashi karaa si loo bixiyo daynta ganacsiga lagu lahaa, sidaa daraadeed, micnaha unlimited liability waa in dayntu ku ekeyn gancsiga oo kaliya balse waxa loo gudbi karaa hantida gaarka ah ee mulkiilaha.
- Raasumaal Xadidan: Madaama uu hal qof keliygii maalgelinayo ganacsiga Sole Trade, raasumaalka la heli karo waa mid kooban, taas oo xadidi karta balaarinta iyo kobaca ganacsiga.
- Culeys Maamul: Mulkiilaha ayaa qaabilsan dhamaan howlaha ganacsiga sida maamulka, xisaabaadka, suuq-geynta, iyo adeegga macaamiisha. Tani waxay keeni kartaa daal iyo waxsoosaar hoose.
- Khibrad Kooban: Hal qof oo keliya ma wada hanan karo dhammaan xirfadaha ganacsi. Tani waxay saameyn kartaa go’aan qaadashada iyo habsami socodka ganacsiga.
- Helitaanka Dayn iyo Maalgelin kooban: Qodob kale oo geddislaha si weyn ugu xun yahy waa helitaanka dayn iyo maalgelin. Hay’adaha daynta bixiya sida bangiyada iyo shirkadaha maaliyadeed badankood si fudud uma siiyaan dayn ganacsiga geddislaha ah.
Marka ganacsigaagu yahay geddisle, in dayn lagu siiyo iyo in kale kuma xirna ganacsiga ee waxay ku xiran tahay:
- sumcada shaqsiyeed ee mulkiilaha
- hantidaada gaarka ah ee mulkiilaha
- Damaanad bixinta daynta
Geddisle iyo Canshuuraha
Dhinaca canshuuraha, ganacsiga gedislaha ah ma laha canshuur u gaar ah oo ka madax-banaan mulkiilaha. Waxa la canshuuraa waa qofka iska leh ganacsiga, ee ma aha ganacsiga laftiisa. Taas micnaheedu waxa weeye in dakhliga ka soo xerooda ganacsiga geddislaha ah loo arko dakhli shaqsiyeed, isla markaana lamidyahay dakhliga mushahaarka (salary or wages).
Sida mushahaarka canshuur looga jaro, ayaa sidoo kale dakhliga ka yimaada geddislaha canshuur looga qaadaa. Arrintani waxay muujinaysaa in uusan jirin kala sooc sharci iyo mid canshuureed oo u dhexeeya mulkiilaha iyo ganacsiga, taas oo ah astaanta ugu weyn ee ganacsiga geddislaha.
1. Shirko xaduud lahayn (partnership)

Waa maxay Shirko (partnership)
Partnership (shirko) waa qaab ka mid ah qaababka loo aasaaso ganacsiyada, waxa iska leh labo qof ama ka badan si wadajir ah u maamulaan, una wadaagaan faa’iidada iyo khasaaraha ganacsiga.
Haddaad u fiirsatid qeexitan kan kore, waxaad arkaysaa in shirko (Partnership) ay ka koobantahay:
- Laba qof iyo wixii ka badan baa iska leh
- Dan cayimani isu keentay
- Isku darsaday maalgashi (lacag, xirfad, ama hanti)
- Ay leeyihiin heshiis qoran oo qeexaya sida ay dhibta (khasaare) iyo dheefta (faa’iido) u wadaagayaan.
waxyaabaha shuraakadu (partnership) ku fiicantahay (advantages) iyo waxyaabaha ay ku xuntaha (disadvantages).
Shuraakadu waxay leedahay faa’iidooyin badan, sida fududeynta aasaaska ganacsiga iyo wadaagista aqoonta iyo khibradda. sidoo kale waxaa jira khasaarooyin, sida mas’uuliyadda aan xadidnayn iyo khilaafaadka Dadka shirkoobay.
Waxyaabaha Partnership-ku ku Fiican Yahay (Advantages of Partnership).
- Waa Fududahay in la Aasaaso (Easy to Form): partnership ku uma baahna sharciyo adag iyo kharashaad aad u badan inakastoo baaxaddiisa ku xirantahay. Badanaa waxa u baahanyahay, heshiis qoraal ama mid afka ah ayaa ku filnaan kara.
- Wadaagista Raasaulmaalka (Pooling of Capital): Labo ama in ka badan ayaa maalgashanaya, kuwaasi isku keena hanti badan si loo dardargaliyo ganacsiga.
- Wadaagista Aqoonta iyo Khibradda: Dadka shirkoobay waxay keeni karaan xirfado kala duwan (tusaale: mid waa farsamo yaqaan, midna waa suuq-geeye), taas oo kordhisa hufnaanta ganacsiga.
- Waxay Wadaagaan Shaqada iyo Go’aan Qaadashada: Culayska shaqada iyo go’aan qaadashada ayaa la qaybsadaa. Arrintani waxay yaraynaysaa daalka iyo cadaadiska shaqo ee ku dhici lahaa hal ganacsade, isla markaana waxay kordhisaa fursada in go’aamo wanaagsan oo miisaan leh la gaaro.
Waxyaabaha Partnership-ku ku Xun Yahay (Disadvantages of Partnership)
- Masuuliyad Aan Xadidnayn (Unlimited Liability): Dadka shuraakada ah si shakhsi ah ayay uga masuul yihiin deymaha iyo khasaaraha ganacsiga. Hadii ganacsigu guul dareysto, hantida gaarka ah ee shuraakada sida guri ama baabuur ayaa lagu bixin karaa deymaha.
- Khilaafaadka dhexmari kara dadka shurakoobay: Waxaa dhici kara ismaandhaaf ku saabsan maamulka ama qaybsiga faa’iidada, taas oo wiiqi karta ganacsiga.
- Wadaagista Faa’iidada: Inkastoo faa’iidada ganacsiga ay noqon karto mid badan, hadana waa in la wadaagaa oo xubin kasta ka mida shuraakada ay qadataa qayb ka mida ah faa’idada, taasi oo keenaysa niyad jab, madaama markii hore ganacsigu soosaaray faa’ido badan, markii la qaysadayna ay xubin walba hesha xogaa ka mida faa’idada. Tani waxay la micno tahay in xubin kasta aysan helayn faa’iidada oo dhan.
- Suurtagalnimada in Ganacsigu Burburo: Ganacsiga partnership-ka ah waxa uu khatar ugu jiraa inuu istaago ama xirmo hadii mid ka mid ah shuraakada uu dhinto, ka baxo ganacsiga, ama uu waayo awoodii shaqo. Hadii markii hore loo diyaarin heshiis cad oo qeexaya xaaladahan, ganacsigu wuxuu wajihi karaa burbur.
Sole Trader iyo Partnership waxay wadaagaan hal arrin oo ah in mulkiilayaasha ay masuul ka yihiin deymaha iyo caqabadaha ganacsiga soo wajaha (unlimited liability).
Mulkiilayaasha iska leh labadan ganacsi midkood waxay la kulmi karaan dhibaato oga timaada ganacsigooda, madaama masuul ka yihiin dhamaan deymaha iyo caqabadaha soo wajihi kara ganacsigooda, waxa khatar gali kara hantidooda gaarka ah iyo naftooda. Tusaale yar ka soo qaad in mulkiilahu deyn u soo qaaday ganacsiga si u kobciyo una balaariyo, hadii dayntaasi uu iska bixin waayo ganacsigu, waxa la xaraashi karaa hantida gaarka ah ee mulkiilaha sida guryaha iyo baabuurta si loo gudo dayntaasi, sidoo kale hadii dacwad lagu soo oogo ganacsiga waxa damaanad qaadaya mulkiilaha. Taasi macnaheedu waa in labadan qaab ganacsi uusan jirin kala sooc u dhexeeya ganacsiga iyo cidda iska leh.
Si loo xalliyo dhibaatada ku imaan karta shirkadda aan xudduuda lahayn (unlimited liability), waxa shirkadda laga dhigi karaa shirko xudduud leh (limited company).
2. Shirko xudduud leh (limited Company)

Waa maxay shirko xudduud leh (limited Company)
Shirkad xudduud leh” (oo inta badan loo yaqaan Limited Company ama Ltd)” waa shirkad ka madax banaan mulkiliyaasha ama saamilayda (Shareholders), sababtoo ah waa shirkad iskeed u taagan oo leh jiritaan sharci oo gaar ah (legal entity) sida qof bani aadam ah oo kale ayay hanti yeelan kartaa, heshiis gali gartaa, deyn qaadan kartaa, maxkamad gali gartaa ama la geyn karaa iyadoo wakiilanaysa qareeno u gaar ah.
Oraahada limited liability (Masuuliyad Xadidan) waxay cadaynaysaa in Mulkiilayaasha ama saamileyda shirkada aysan qaadi doonin masuuliyada deymaha iyo khasaaraha shirkada wax ka badan inta ay ku maalgashadeen shirkadda. Hadii shairkadu guuldareysato ama ama lagu yeesho deymo ka badan hantida ay haysto, dadka saamiga ku leh (shareholders) lama qaadan karo hantidooda gaarka ah sida guryahooda ama lacagta ugu jirta bangiyada, kaliya waxay khasaarayaan intii ku maalgashadeen.
Tusaale ahaan, ka feker shirkad lagu magacaabo “Xamar electronic LTD.” Shirkadan waxay ku hawlan tahay soo saarista agabka elektarooniga ah.
Waxa maalgashaday saamilay badan, mid kasta oo ka mid ah waxuu ku maalgashaday $10,000.
Haddii shirkada mustaqbalka lagu yeesho deymo xad dhaaf ah ama la kulanto ganaax sida in lagu qasbo inay bixiso magdhow ayna awoodi weydo inay gudo waa jibaadka lagu leeyahay sababbo la xariira inaysan haysan lacag kufilan. Markaas wax lagu qasabnaan donaa in la xaraasho hantida ay ku shaqaynayso sida qalabka wax soosaarka, baaburta iyo dhismayaasha magaceeda ku diwaan gashan.
Mulkiilayaasha (shareholders) waxay waayidoonaan oo kaliya lacagta ay ku maalgashadeen, taas oo ah $10,000 qofkiiba intaas bay ku xadidantahay. Looma gudbi karo hantidooda khaaska ah sida guryahooda ama lacagta ugu jirta bangaiyada.
Sharuudaha looga baahanyahay diwaangalinta shirkadaha Xaduuda leh (Limited company)
- Magac Gaar ah: Magaca shirkadda waa inuu noqdaa mid cusub oo aan horay loo loo istimaalin. Magaca waa in lagu daraa ereyga “Limited (Ltd)” ama “Incorporated (Inc) sida ku cad XEER-NIDAAMIYAHA SHARCIGA SHIRGADAHA ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuurida Fadraalka Somaaliya si loo muujiyo in mas’uuliyada saamileyda ay xaddidan tahay.
- Ciwaan (Address): Caddeynta goobta ay shirkaddu ku taalo (Registered Office Address).
- Saamilayda (Shareholders): waa in lahelaa ugu yaraan hal ama ka badan saamiley ah oo leh shirkada saamigeeda.
- Saami (Share Capit): Waa in la cadeeyaa raasumaalka lagu aasaasay shirkadda iyo saamiga uu qof walba leeyahay.
- Heshiiska iyo Xeerka Shirkadda: Shirkaddu waa inay leedahay dukumentiyo sharci ah oo qeexaya ujeedada shirkadda, habka maamulka iyo xeerarka gudaha ee shirkadda.
Faa’idooyinka Limited Company (Adantages of Limited Company)
- Masuuliyad xadidan (unlimited liability): Faa’iidada ugu weyn ee Limited Company waa mas’uuliyadda xadidan. Mulkiilayaashu masuul kama aha deymaha shirkadda wax ka badan saamiga ay ku leeyihiin, Hantidooda gaarka ah lama qaadi karo si loo bixiyo deymaha shirkadda.
- Nidaam maammul oo qeexan: Shirkadu waxay leedahay qaab maamul oo cad sida gudi maamul iyo agaasimeyaal. Haddii loo baahdo maalgelin dheeri ah, waxay iibin karaan saamiyo si ay u helaan lacag. Sidoo kale, way fududahay in xubno cusub ku soo biiraan.
- Sumcad Sare: Shirkadaha noocan ahi waxay leeyihiin kalsooni iyo sumcad sare marka loo eego ganacsiyada yaryar, taas oo u fududaysa inay la macaamilaan bangiyada, maalgeliyaasha iyo inay galaan heshiisiyo waaweyn.
- Maalgelin Fudud: Waxay si fudud hu helaan maalgelin maadaama ay soo jiidan karaan maalgeliyaasha iyagoo iibinaya saamiyo ama waxay deymo ka qaadan karaan bangiyada.
- Sii Jiritaan (Perpetual Succession): Limited Company waxay leedahay sii jiritaan sharci ah (perpetual succession) dhimashada ama bixitaanka xubin ka mid ah saamilayda saameyn weyn kuma yeelato jiritaanka shirkadda.
- Kala Saarid Maaliyadeed: Lacagta ama hantida shirkada iyo tan qofka waa kala duwan yihiin.
Khasaaraha limited company (disadvantages of limited company)
- Kharashaadka oo Sareeya (Higher Costs): Limited Company waxay leeyihiin kharashaad aad badan, waxa ka mida kharashaadka sida:
- kharashaadka diiwaangelinta
- Xisaabin (accounting fees)
- Qareen ama lataliye sharci
- Kharashaadka sanad laha ah
- Xeerar iyo Shuruuc Adag (Legal and Regulatory Compliance): Shirkaddu waa inay u hogaansantaa sharciyo iyo nidaamyo badan, sida diyaarinta warbixino maaliyadeed oo sanadle ah, canshuuro gaar ah, ilaalinta xeerarka ganacsiga iyo xeer hoosaadka maamulka shirkada.
- Macluumaad daah Furan (Public Disclosure): Shirkaddu waa inay soo bandhigtaa macluumaadkeeda maaliyadeed iyo nidaamka maamulkeeda sida:
- Magacyada maamulayaasha (directors)
- saamileyda (shareholders) iyo
- xogta maaliyadeed ee shirkadda
- Go’aan Qaadasho Gaabis Ah (Slower Decision Making): go’aannada muhiimka ah badanaa waxay u baahanyihiin ogolaanshaha saamileyda shirkadda, Hadii shirkadu leedahay shareholders (saamilay) badan waa adagtahay in lawada kulmo iyo in lawada qaato go’aan midaysan.
- Canshuur Laba heer ah (Double taxation): Dalala qaarkood, shirkadaha Ltd waxay bixiyaan laba canshuurood.
Waa maxay Double taxation
Double taxation micnihiisu waa faaidada shirkadadu samaysay waa in laga bixiyaa canshuur (Corporate tax), kadib isla faa’idadaas markay shirkadu u qaybiso saamilayda, xubin kasta oo kamida saamilayda waa inuu bixiyaa Canshuurta Faa’iidada Saamileyda (Dividend Tax).
Marka kowaad: waxa laga qaadaa canshuurta faa’iidada shirkadda (Corporate tax)
Marka labaad: hadii ay shirkadu u qaybiso saamilayda (shareholders) faa’idada (dividend) isla markaas saamilayda waxa laga qadaa canshuur gaar ah (Dividend Tax).
Dividend Tax waa canshuur laga qaado faai’dada laga helo saamiga shirkad ku leedahay ama faaidada laga helo maalgashi.
Sidaas dardeed faa’iidada shirkada Ltd mararka qaarkood waxa laba jeer laga qaadi karaa canshuur.
1. Iskaashato (Cooperative)

Waa Maxay Iskaashato (Cooperative)?
Ma maqashay “maahmaahdii ahayd Gacamo wadajir bay wax ku goyaan”
Iskaashato waa urur ama shirkad ay wada leeyihiin dad isku dano ah oo iskaashanaya si ay u hormariyaan una daboolaan baahiyahooda dhaqaale, nololeed iyo guud ahaan bulshadooda iyadoo la wadaagayo kheyraadka, kharashaadka, iyo faa’iidada.
Tusaale ahaan; Ka soo qaad 20 beeralay ah oo ku wada nool tuulo ku taal agagaarka webiga Shabelle. Mid kasta wuxuu soo saaraa 20 jawaan oo galey ah. Hadii mid kasta suuqa keligiis geeyo, waxaa laga yaabaa in ganacsatada waaweyn ay kaga iibsadaan qiimo aad u hooseeya. Laakiin haday samaystaan Iskaashato, waxay isku darsanayaan 20 kooda jawaan, waxayna gorgortan la geli karaan shirkadaha waaweyn iyagoo ku helaya qiimo sareeya.
Taa badalkeed, hadii ay doonayaan inay soo iibsadaan qalabka wax soosaarka beeraha sida cagafta oo kale. Hadii mid kasta suuqa keligiis ka soo iibsado waxa laga siin donaaa qiimo aad u sareeya, lakiin haday isku tashadaan oo jumlo ku soo iibsadaan waxa laga siin donaa qiimo hoose ama waxay go’aansan karaan inay soo iibsadaan 10 cagaf oo keliya, si labadii beeraley ah u wadaagaan hal cagaf, taasoo si weyn u yareyneysa kharashaadka isla markaana kordhineysa waxsoosaarka.
Asal ahaan, sharikaadka noocaan ahi waxay ku badnaan jireen beeralayda, kadibna waxay ku faafeen wax-soo- saarka yar-yar. Xilliga maanta ah, nooc kasta oo ganacsi ah, waa uu noqon karaa iskaashato.
Dhinaca shuruucda wax weyn kama duwana sharikaadka xaddidan (limited companies), sida, in aan loo raacan karin qofna wax ka badan intuu ku maalgashadday haddii dayni timaaddo (limited liability) iyo in la iska rabo xisaab xir, iwm.
Faa’idooyinka (Advantages) iyo Khasaaraha (Disadvantages) ee Cooperatives (iskaashato)
Iskaashato (Cooperative) waa qaab ganacsi oo ku dhisan wada lahaansho iyo wada shaqeyn. Laakiin sida qaab kasta ganacsi, waxa uu leeyahay faa’iidooyin iyo caqabado.
Faa’iidooyinka Cooperatives (Iskaashato)
- Dimuqraadiyad (Democratic Control): Iskaashatadu waxay ku dhisan yihiin mabda’a “Hal xubin Hal cod.” dhammaan xubnaha waxa ay leeyihiin cod iyo awood siman, mabda’an waxa u kor u qadaa kalsoonida xubnaha.
- Dan Wadaag (Member Benefit Focus): Ujeedada ugu weyn ee iskaashato waa in xubnaha la siiyo adeegyo ama badeecooyin qiimo jaban iyo in xubnaha laga caawiyo baahiyohooda.
- Kharash Wadaag (Shared Costs): Marka xubno badan si wadajir oo jumlo ah u iibsadaan alaab ama qalab, qiimuhu wuu yaraadaa isla markaana waxay leeyhiin awood gorgortan.
- Mas’uuliyad Xaddidan (Limited Liability): Mas’uuliyada xubnaha waxay ku egtahay lacagta ama maalgashiga ay ku leeyihiin iskaashatada, taasoo ilaalinaysa hantidooda gaarka ah hadii dhibaato dhaqaale timaado.
- Taageerada Dowladda (Government Support): Iskaashatooyin badanaa waxay helaan taageero dowladeed sida deeqo iyo cashuur dhimis.
Khasaaraha Cooperatives (Iskaashato):
- Maalgelin Xaddidan: Iskaashatadu way ku adag tahay inay helaan maalgelin weyn, sababtoo ah awooda iyo maamulka waa loo simanyahay, sidoo kalena ma jiraan saamiyo si fudud loo iibin karo sida shirkadaha LTD.
- Khilaaf iyo Muran (Conflict and Disputes): Xubnaha iskaashatooyinka waxa dhexmara kala aragti duwanaasho, taasi oo sabab u noqota khilaaf iyo muran.
- Sir la’aan (Lack of Privacy): Maadaama iskaashato ay ka kooban tahay xubno badan, way adagtahay in sirta shirkada la ilaaliyo.
- Go’aan Qaadasho Gaabis ah (Slow Decision-Making): Helitaanka heshiis dhex mara xubno badan iyo in hal go’aan la isla gaaro waxay qaadataa waqti iyo dood dheer, taasoo ka dhigaysa go’aan qaadashadu mid gaabis ah.
FAQ: Suaalo Inta Badan La is Weydiiyo
Waa maxay ganacsi?
Ganacsigu waa hawlaha ku saleysan wax soosaarka ama soo iibsashada iyo sii iibinta badeecado ama adeegyo, iyadoo ujeedadu tahay in la helofaa’iido.
Waa maxay muhiimada ganacsiga uu leeyahay?
Ganacsigu waa tiir aasaasi ah oo laf dhabar u ah jiritaanka nolasha sidoo kale waa mashiinka dhaqaajiya nolosha bulshada. Hadii uusan jirin ganacsi, noloshu way istaagi lahayd, madaama baahiyaha daruuriga ah ee bini’aadamka aan la dabooli Karin ganacsi la’aantii.
Sidaa owgeed, ganacsigu wuxuu ku dhisanyahay isku tiirsanaashaha iyo is dhexgalka ka dhaxeeya iibiyaha iyo iibsadaha, kuwaas oo mid walba u baahan kan kale si u daboolaan baahiyahooda una sii wataan noloshooda.
Waa maxay Sole trader (Geddisle)?
Geddisle (sole trader) waa ganacsi uu hal qof kaligiis leeyahay, kaas oo si buuxda u maamula ganacsigiisa isla markaana qaata dhamaan faa’iidada iyo khasaaraha ka dhasha.
waa maxay faaidooyinka ganacsiga qofka kaligii leeyhayay (sole trader)?
Bilaabid sahlan iyo kharash yar
Go’aan qaadasho degdeg ah
Mulkiilaha oo qaata dhammaan faa’iidada
Sirta ganacsiga oo la ilaalin karo
Waa maxay limited Company (shirko xudduud leh)?
Limited Company ama Ltd)” waa shirkad ka madax banaan mulkiliyaasha ama saamilayda (Shareholders), sababtoo ah waa shirkad iskeed u taagan oo leh jiritaan sharci oo gaar ah (legal entity) sida qof bani aadam ah oo kale ayay hanti yeelan kartaa, heshiis gali gartaa, deyn qaadan kartaa, maxkamad gali gartaa ama la geyn karaa iyadoo wakiilanaysa qareeno u gaar ah.
Waa Faa’idooyinka Limited Company (Adantages of Limited Company)?
Masuuliyad xadidan (unlimited liability
Nidaam maammul oo qeexan:
Sumcad Sare
Maalgelin Fudud
Waa maxay Shirko (partnership)?
Partnership (shirko) waa qaab ka mid ah qaababka loo aasaaso ganacsiyada, waxa iska leh labo qof ama ka badan si wadajir ah u maamulaan, una wadaagaan faa’iidada iyo khasaaraha ganacsiga.
Waa maxay waxyaabaha Partnership-ku ku Fiican Yahay (Advantages of Partnership?
Waa Fududahay in la Aasaaso (Easy to Form)
Wadaagista Raasaulmaalka (Pooling of Capital)
Wadaagista Aqoonta iyo Khibradda)
Waxay Wadaagaan Shaqada iyo Go’aan Qaadashada
Waa Maxay Iskaashato (Cooperative)?
Iskaashato waa urur ama shirkad ay wada leeyihiin dad isku dano ah oo iskaashanaya si ay u hormariyaan una daboolaan baahiyahooda dhaqaale, nololeed iyo guud ahaan bulshadooda iyadoo la wadaagayo kheyraadka, kharashaadka, iyo faa’iidada.
Waa maxay Unlimited Liability
Unlimited Liability eraygan waxa loola jedaa; mulkiilaha ayaa mas’uul ka noqonaya daymaha uu ganacsigu soo qaadanayo, hadii uu ganacsigu guuldareysto oo daymaha ganacsiga lagu lahaa la bixin waayo, Hantida gaarka ah ee mulkiilaha, sida guryaha, baabuurta, iyo kaydkiisa kale, ayaa la xaraashi karaa si loo bixiyo daynta ganacsiga lagu lahaa, sidaa daraadeed, micnaha unlimited liability waa in dayntu ku ekeyn gancsiga oo kaliya balse waxa loo gudbi karaa hantida gaarka ah ee mulkiilaha.