Noocyada Ganacsiga iyo Faa’iidooyinka Ay Bulshada U Leeyihiin

Baro waa maxay ganacsi, Muhiimada ganacsiga nolosha bulshada ku dhexleeyahay iyo noocyada ganacsiga sida Service Business (ganacsi adeeg bixiya), Merchandising Business (ganacsi badeecad bixiya), Manufacturing Business (ganacsi wax-soo-saara) iyo Hybrid Business (ganacsi isku dhaf ah)

Noocyada ganacsiga

Baro waa maxay ganacsi, Muhiimada ganacsiga nolosha bulshada ku dhexleeyahay iyo noocyada ganacsiga sida Service Business (ganacsi adeeg bixiya), Merchandising Business (ganacsi badeecad bixiya), Manufacturing Business (ganacsi wax-soo-saara) iyo Hybrid Business (ganacsi isku dhaf ah).

Hordhac:

waa maxay ganacsi

Ganacsi waxaa lagu qeexaa hawlaha ku saleysan wax soosaarka ama soo iibsashada iyo sii iibinta badeecado ama adeegyo, iyadoo ujeedadu tahay helidda faa’iido, isla markaana la daboolayo baahiyaha bulshada ee la xiriirta badeecadaha ama adeegyada u baahanyihhin.

Ganacsigu waa tiir aasaasi ah oo laf dhabar u ah jiritaanka nolasha sidoo kale waa mashiinka dhaqaajiya nolosha bulshada. Hadii uusan jirin ganacsi, noloshu way istaagi lahayd, madaama baahiyaha daruuriga ah ee bini’aadamka aan la dabooli Karin ganacsi la’aantii.

Sidaa owgeed, ganacsigu wuxuu ku dhisanyahay isku tiirsanaashaha iyo is dhexgalka ka dhaxeeya iibiyaha iyo iibsadaha, kuwaas oo mid walba u baahan kan kale si u daboolaan baahiyahooda una sii wataan noloshooda.

Tusaale ahaan: iibsaduhu wuxuu u baahan yahay badeecad ama adeeg si uu nolosha u maareeyo, halka iibiyuhu u baahan yahay macaash ama faa’ido si u maareeyo baahidiisa nafeed iyo tan ganacsi. Waxay ka dhigantahay maahmaahdii oran jirtay “Bude qabe iyo biyo qabe waa isku baahanyihiin”.

Ganacsiyadu waxay noqon karaan kuwo macaash (faa’ido) doon ah (For-profit) oo ujeedadoodu tahay helida faa’iido dhaqaaleama ururo aan macaash doon ahayn (non-profit organizations) ujeedadoodu waa u adeegida dadweynaha iyagoo bixiya deeqo iyo samafalo sida NGOs.

 ganacsiga waxa loo qaybiyaa noocyo kala duwan oo mararka qaarkood ay adkaato in si sax ah loo kala fahmo, gaar ahaan ardayda baranaysa culuumta ganacsiga. Sida ay tilmaameen cilmi baarayaasha iyo khubarada dhaqaalaha, ganacsiga waxa loo kala saaraa dhowr qaybood oo waaweyn; qaar ku saleysan waxqabadka uu bulshada u hayo, halka qaar kale lagu saleeyo qaab-dhismeedka iyo lahaanshaha ganacsiga.

Ganacsiga guud ahaan waxa loo saari karaa afar nooc oo waaweyn iyadoo la fiirinayo waxa uu ganacsigu u qabto macaamiisha: ganacsi adeeg bixiya (Service Business), ganacsi badeecad bixiya (Merchandising Business), ganacsi wax-soo saara (Manufacturing Business) iyo Ganacsi isku dhaf ah (Hybrid Business).

Noocyada ganacsiga:

1. Ganacsi adeeg bixiya (Service Business):

Ganacsiga adeegga bixiya waa nooc ganacsi oo diirada saara bixinta adeegyo halkii uu ka bixin lahaa badeecooyin la taaban karo. Adeegyada uu ganacsigan bixiyo waa wax aan la taaban karin (intangible), taas oo macnaheedu yahay in macmiilka aan la siindoonin wax la arki karo ama la taaban karo.  Adeegu waxa uu u fududeeyaa ujeedada macmiilka iyo inuu gaaro yoolkiisa.

waa maxay Ganacsi adeeg bixiya (Service Business)

Ganacsiga adeegga bixiya waa nooc ganacsi oo diirada saara bixinta adeegyo halkii uu ka bixin lahaa badeecooyin la taaban karo. Adeegyada uu ganacsigan bixiyo waa wax aan la taaban karin (intangible), taas oo macnaheedu yahay in macmiilka aan la siindoonin wax la arki karo ama la taaban karo.  Adeegu waxa uu u fududeeyaa ujeedada macmiilka iyo inuu gaaro yoolkiisa.

Tusaale ahaan, bangigu wuxuu kuu fududeeyaa maareynta lacagtaada; salon ka iyo tima jaraha waxay kuu hagaajiyaan jirka iyo timaha; shirkadaha talo bixinta (consultancy) waxay ku siinayaan talooyin xirfadeed; shirkadaha isgaarsiinta sida Hormuud, Golis, iyo Somtel waxay kuu suurtageliyaan inaad la xariirto familkaaga iyo asxaabtaada; halka shirkadaha safaaraduhana ay kuu fududeeyaan socdaalka.

Inkastoo dhamaan ganacsiyadan ay kuu fulinayaan ujeedooyin kala duwan, hadana midna kuma siin wax la arki karo ama la taaban karo, balse dhammaantood waxay ku siinayaan adeeg qiimo leh oo noloshaada ku maareyso.

2. Ganacsiga badeecad bixiya (Merchandising Business):

Ganacsiga badeecad bixiyaha ah (Merchandising Business) waa ganacsi ku dhisan iibinta alaabo ama badeecado  la taaban karo (tangible goods) kuwaas oo diyaarsan  oo horey loo soo saaray, Si ka duwan shirkadaha wax soo saar ka, ganacsigan ma soosaaro alaab cusub, balse wuxuu alaab ka soo iibsadaa  warshadaha wax soo saara ama ganacsatada jumlo wax ku iibiya (wholesalers), ka dibna  alaabtii ayuu dib oga sii iibiyaa macaamiisha si tafaariiq ah ((retail).

Ganacsiga badeecad bixiya (Merchandising Business)

Ganacsiga badeecad bixiyaha ah (Merchandising Business) waa ganacsi ku dhisan iibinta alaabo ama badeecado  la taaban karo (tangible goods) kuwaas oo diyaarsan  oo horey loo soo saaray, Si ka duwan shirkadaha wax soo saar ka, ganacsigan ma soosaaro alaab cusub, balse wuxuu alaab ka soo iibsadaa  warshadaha wax soo saara ama ganacsatada jumlo wax ku iibiya (wholesalers), ka dibna  alaabtii ayuu dib oga sii iibiyaa macaamiisha si tafaariiq ah ((retail).

Tusaalooyin Ganacsi Badeecad Bixiya (Merchandising Business)

  • Supermarket
    Supermarket ku waa ganacsi badeecad bixiya ah oo iibiya alaabooyin badeecado sida raashin, cabitaano iyo daawooyin kuwaas oo dhammaantood ah badeecooyin la taaban karo.
  • Shirkadaha Qalabka Dhismaha
    Shirkadahani waxay iibiyaan  qalabka dhismaha sida sibirka, biraha shubka, alwaaxa, iyo qalab kale dhismaha loo isticmaalo. Macmiilka waxa lagu wareejiyaa alaab la arki karo.
  • Carwooyinka Labiska
    Carwooyinka labiska waxay iibiyaan dharka iyo agabka labiska, kuwaas oo ah badeecooyin la arki karo lana qaadan karo kadib iibka.
  • Shirkadaha Qalabka Elektaroonigga (Electronic Devices Companies)
    Shirkadahan waxay iibiyaan qalab elektaroonig ah sida taleefoono, kombiyuutaro, telefishano, iyo qalab koronto, kuwaas oo dhammaantood ah badeecooyin la taaban karo.

3. Ganacsiga Wax soo-saarka (Manufacturing Business)

anacsiga wax soo-saarka (Manufacturing Business) waa nooc ganacsi oo ku hawlan    soo-saaridda alaabo warshadaysan. Ganacsigan wuxuu alaab ceeriin (raw materials) u beddelaa badeecooyin dhameystiran (finished goods) oo la isticmaali karo., kuwaas oo si toos ah bulshada uga faa’iideyso laguna kala iibsado suuqyada.

ganacsiga Wax soo-saarka (Manufacturing Business)

Ganacsiga wax soo-saarka (Manufacturing Business) waa nooc ganacsi oo ku hawlan    soo-saaridda alaabo warshadaysan. Ganacsigan wuxuu alaab ceeriin (raw materials) u beddelaa badeecooyin dhameystiran (finished goods) oo la isticmaali karo., kuwaas oo si toos ah bulshada uga faa’iideyso laguna kala iibsado suuqyada.

Ganacsiga wax soo-saarka, marka hore waxay soo iibsadaa ama keensadaan alaab ceeriin (raw meterials), kadibna waxay u badalaan alaabo la manaafacaadsan karo. Si ay wax soo saar u sameyaan waxay u baahanyihiin:

  • Warshado iyo qalab wax-soo-saar
  • Alaab ceeriin
  • Shaqaale xirfad leh
  • Kharashaadka shaqada (operational costs)

Tusaale ahaan, warshad sameysa kalluunka qasacdaysan waxay marka hore u baahantahay warshadii iyo qalabkii wax soo saarka, Shaqaale xirfad leh, kharaashdkii lagu shaqeynlahaa iyo alaabtii ceeriinka ahayd sida; kalluunka oo badda ka soo dabanayaan iyo inay farsameeyaan gasacadihii lagu guri lahaa, Ugu danbayn, kalluunkii oo qasacadaysan ayaa loo gudbiyaa suuqyada si looga iibiyo macaamiisha u baahan. Ganacsiga wax soo saarka badanaa ma iibiyaan tiro yar ama hal qasac oo keliya, balse waxay badeecada ka iibiyaan ganacsato kale si jumlo ah (wholesale). Sidaa darteed, suuragal ma aha in qof si toos ah warshadda uga iibsado hal qasac oo kalluun ah.

Inta badan, ganacsiga wax soo saarka waxay wax ka iibiyaan ganacsato kale, kuwaas oo tafaariiq ahaan (retail) oga sii iibiya macaamiisha. Sidaas awgeed, warshadaha wax-soo-saarka ahi badanaa si toos ah uguma xirna macaamiisha isticmaasha badeecadooda, balse waxay la macaamilaan ganacsiyo kale. Habkan ganacsi waxa loo yaqaannaa ganacsi ganacsi kale wax ka iibiya (Business to Business – B2B).

ganacsiga wax soo saarka waa udub dhexaadka koboca dhaqaalaha iyo hormarka dal kasta, waxuu ka qayb qataa:

  • Abuurista shaqooyin: Warshaduhu waxay shaqaaleysiin karaan dad badan.
  • Kobcinta dhaqaalaha: Waxay kordhiyaan wax-soo-saarka gudaha (GDP).
  • Yaraynta soo-dejinta: Marka alaabo gudaha lagu sameeyo, baahida dibadda laga keeno way yaraataa.
  • Horumarinta tiknoolajiyadda: Warshaduhu waxay isticmaalaan farsamooyin cusub.
  • Kordhinta dhoofinta: Badeecooyin tayo leh ayaa dibadda loo dhoofin karaa.                                                             

4. Ganacsi isku dhaf ah (Hybrid Business)

Hybrid business waa nooc ganacsi oo isku dara waxqabadyo kala duwan sida bixinta adeegyo, iibinta badeecooyin, iyo wax-soo-saar

Ganacsi isku-dhafan waa nooc ganacsi oo isku dara waxqabadyo kala duwan sida bixinta adeegyo, iibinta badeecooyin, iyo wax-soo-saar.

Ganacsigan wuxuu ka koobnaan karaa laba ama saddexda nooc ee ganacsi ee horey u soo xusnay, kuwaas oo kala ah: ganacsi adeeg iibiya, ganacsi badeecad iibiya, iyo ganacsi wax-soo saara.

Tusaale ahaan, shirkad ganacsi ayaa bixin karta adeegyo isla markaana iibin karta badeecooyin la xiriira adeeggaas. Sidoo kale, ganacsi kale ayaa noqon kara mid isku darsaday saddexda nooc, isagoo leh warshad wax-soo-saar, ka sii ganacsada badeecooyinkaas, isla markaana adeegyo u fidiya bulshada.

Dhamaad

noocyada ganacsiga: Ganacsi adeeg bixiya (Service Business)

noocyada ganacsiga: Ganacsiga badeecad bixiya (Merchandising Business)

noocyada ganacsiga: Ganacsiga Wax soo-saarka (Manufacturing Business)

noocyada ganacsiga: Ganacsi isku dhaf ah (Hybrid Business)

Share this article with your friends.

Similar Posts

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *