Bilaabista Ganacsiga Qaabkee Kugu Haboon Sole Trader ama Partnership? which one best

Faham buuxa ka hel waa maxay sole trader, partnership iyo sida u kala duwan yihiin dhinaca maamulka iyo masuuliyada daymaha

Part 1: Hordhac Waa maxay ganacsi

Ganacsigu waa tiir aasaasi ah oo laf dhabar u ah jiritaanka nolasha sidoo kale waa mashiinka dhaqaajiya nolosha bulshada. Hadii uusan jirin ganacsi, noloshu way istaagi lahayd, madaama baahiyaha daruuriga ah ee bini’aadamka aan la dabooli Karin ganacsi la’aantii.

Sidaa owgeed, ganacsigu wuxuu ku dhisanyahay isku tiirsanaashaha iyo is dhexgalka ka dhaxeeya iibiyaha iyo iibsadaha, kuwaas oo mid walba u baahan kan kale si u daboolaan baahiyahooda una sii wataan noloshooda.

Tusaale ahaan: iibsaduhu wuxuu u baahan yahay badeecad ama adeeg si uu nolosha u maareeyo, halka iibiyuhu u baahan yahay macaash ama faa’ido si u maareeyo baahidiisa nafeed iyo tan ganacsi. Waxay ka dhigantahay maahmaahdii oran jirtay “Bude qabe iyo biyo qabe waa isku baahanyihiin”.

Ganacsi waxaa lagu qeexaa hawlaha ku saleysan wax soosaarka ama soo iibsashada iyo sii iibinta badeecado ama adeegyo, iyadoo ujeedadu tahay in la helofaa’iido.

Qaababka ganacsiga:

Ganacsiyadu kuma kala duwana oo kaliya waxqabadyada ay macaamiisha u qabtaan sida: ganacsi adeeg bixiya, ganacsi badeecad bixiya, ama ganacsi wax-soo saara, balse waxay sidoo kale ku kala duwan yihiin lahaanshaha cidda iska leh iyo qaababka sharci ahaan dowladahu u diwaangaliyaan.

Qaab dhismeedka iyo lahaanshaha ganacsiga waxay go’aamiyaan masuuliyado badan oo sharci ah, sida: canshuuraha uu ganacsigu bixinayo, sida loo qaybsanayo faa’idada iyo khasaaraha ka soo baxayasa ganacsiga, iyo masuuliyada daymaha uu ganacsigu soo qaato cidda dhabarka u ridanaysa.

Ganacsiga marka laga eego dhinaca lahaanshaha iyo qaab dhismeedka wuxuu noqon karaa: gedisle (sole trader), shirko xuduud lahayn (partnership), shirko xuduud leh (limited company) iyo iskaashato (cooperatives).

Geddisle (sole trader ama Sole Proprietorship)

waa maxay sole trader
Sole Trader waa ganacsi uu hal qof kaligiis leeyahay, maamulo, isla markaana qaata faa’iidada iyo khasaaraha ganacsiga.

Waa maxay sole trader ama Sole Proprietorship (geddisle)

Geddisle (sole trader) waa ganacsi uu hal qof kaligiis leeyahay, kaas oo si buuxda u maamula ganacsigiisa isla markaana qaata dhamaan faa’iidada iyo khasaaraha ka dhasha.

Sole Trader ama Sole Proprietorship waa qaabkka ganacsi ugu qadiimsan uguna caansan hadana ugu fudud ee bini’aadamku adeegsado, wuxuuna ahaa qaabkii ganacsi ugu horeeyay ee aadanahu bilaabo.

In kastoo wadamadu ku kala duwan yihiin shuruucda diwaangalinta ganacsiyada, hadana wadamada reer Galbeedka dhammaantood waxa waajib ah in aad hay’adda canshuurta iska diwaangelisid oo u sheegtid in aad bilowday ganacsi geddisle ah (sole trader). Waddammada qaarkood waxa shahaadada aqoonsiga bixin kara xafiisyada dawladda hoose.

Faa’iidooyinka iyo Qasaarooyinka Ganacsi Qof Keliya Leeyahay (Geddisle / Sole Trader)

Ganacsi Qofka Keliya Leeyahay (Geddisle ama Sole Trader) waa nooca ugu fudud uguna badan ganacsiyada ka jira suuqyada caalamka, gaar ahaan dalalka soo koraya. Inkastoo uu leeyahay faa’iidooyin badan oo ka dhigaya mid waxtar badan, haddana wuxuu leeyahay khasaarooyin iyo caqabado u baahan in si cilmiyaysan loo daraaseeyo.

Waxyaabaha Geddisle ku Fiican Yahay (Advantages of Sole Trade)

  • Bilaabid sahalan iyo kharash yar: Ganacsiga Geddislaha ah waa mid si sahlan loo bilaabi karo, madaama uusan u baahnayn hab diiwaangelin adag iyo raasumaal badan.
  • Go’aan Qaadasho Degdeg ah: Madaama uu hal qof kaligiis maamulo, go’aamada waa kuwo degdeg loo gaaro aan u baahnayn wada-tashi badan.
  • Faa’iidada Oo Dhan Mulkiilaha ayaa qaata: Dhamaan faa’iidada ganacsigan soo saaro waxaa iska leh mulkiilaha kaligiis, ma jirto cid kale la wadaagta, taasina waxay  dhiirrigelisaa mulkiilaha.  Wax ku darid

Waxyaabaha Geddisle ku Xun Yahay (Disadvantages of Sole Trade)

  • Masuuliyada daymaha: Mid ka mid ah qodobada uu ku xunyahay ganacsiga geddislaha waa masuuliyada aan xadlahayn (Unlimited Liability).

Wixii dhib ah ee ku yimaada ganacsiga waxa u qoolan mulkiilaha, Tusaale ahaan haddii dayn lagu yeesho ganacsiga, dayntaas waxay la mid tahay dayn lagu leeyahay qofka mulkiilaha ah.

Unlimited Liability waa eray ardaydu micnihiisa ku wareeraan, eraygan waxa loola jedaa; mulkiilaha ayaa mas’uul ka noqonaya daymaha uu ganacsigu soo qaadanayo, hadii uu ganacsigu guuldareysto oo daymaha ganacsiga lagu lahaa la bixin waayo, Hantida gaarka ah ee mulkiilaha, sida guryaha, baabuurta, iyo kaydkiisa kale, ayaa la xaraashi karaa si loo bixiyo  daynta ganacsiga lagu lahaa, sidaa daraadeed, micnaha unlimited liability waa in dayntu ku ekeyn gancsiga oo kaliya balse waxa loo gudbi karaa hantida gaarka ah ee mulkiilaha.

  • Raasumaal Xadidan: Madaama uu hal qof keliygii maalgelinayo ganacsiga Sole Trade, raasumaalka la heli karo waa mid kooban, taas oo xadidi karta balaarinta iyo kobaca ganacsiga.
  • Culeys Maamul: Mulkiilaha ayaa qaabilsan dhamaan howlaha ganacsiga sida maamulka, xisaabaadka, suuq-geynta, iyo adeegga macaamiisha. Tani waxay keeni kartaa daal iyo waxsoosaar hoose.
  • Khibrad Kooban: Hal qof oo keliya ma wada hanan karo dhammaan xirfadaha ganacsi. Tani waxay saameyn kartaa go’aan qaadashada iyo habsami socodka ganacsiga.
  • Helitaanka Dayn iyo Maalgelin kooban: Qodob kale oo geddislaha si weyn ugu xun yahy waa helitaanka dayn iyo maalgelin. Hay’adaha daynta bixiya sida bangiyada iyo shirkadaha maaliyadeed badankood si fudud uma siiyaan dayn ganacsiga geddislaha ah.

Marka ganacsigaagu yahay geddisle, in dayn lagu siiyo iyo in kale kuma xirna ganacsiga ee waxay ku xiran tahay:

  • sumcada shaqsiyeed ee mulkiilaha
  • hantidaada gaarka ah ee mulkiilaha
  • Damaanad bixinta daynta

Geddisle iyo Canshuuraha

Dhinaca canshuuraha, ganacsiga gedislaha ah ma laha canshuur u gaar ah oo ka madax-banaan mulkiilaha. Waxa la canshuuraa waa qofka iska leh ganacsiga, ee ma aha ganacsiga laftiisa. Taas micnaheedu waxa weeye in dakhliga ka soo xerooda ganacsiga geddislaha ah loo arko dakhli shaqsiyeed, isla markaana lamidyahay dakhliga mushahaarka (salary or wages).

Sida mushahaarka canshuur looga jaro, ayaa sidoo kale dakhliga ka yimaada geddislaha canshuur looga qaadaa. Arrintani waxay muujinaysaa in uusan jirin kala sooc sharci iyo mid canshuureed oo u dhexeeya mulkiilaha iyo ganacsiga, taas oo ah astaanta ugu weyn ee ganacsiga geddislaha.

Shirko (partnership)

waa maxay Partnership
Partnership waa ganacsi ay wada leeyihiin laba qof ama ka badan, kuwaas oo wadaaga maamulka, faa’iidada, iyo khasaaraha.

Waa maxay Shirko (partnership)

Partnership (shirko) waa qaab ka mid ah qaababka loo aasaaso ganacsiyada, waxa iska leh labo qof ama ka badan si wadajir ah u maamulaan, una wadaagaan faa’iidada iyo khasaaraha ganacsiga.

Haddaad u fiirsatid qeexitan kan kore, waxaad arkaysaa in shirko (Partnership) ay ka koobantahay:

  1. Laba qof iyo wixii ka badan baa iska leh
  2. Dan cayimani isu keentay
  3. Isku darsaday maalgashi (lacag, xirfad, ama hanti)
  4. Ay leeyihiin heshiis qoran oo qeexaya sida ay dhibta (khasaare) iyo dheefta (faa’iido) u wadaagayaan.

waxyaabaha shuraakadu (partnership) ku fiicantahay (advantages) iyo waxyaabaha ay ku xuntaha (disadvantages).

Shuraakadu waxay leedahay faa’iidooyin badan, sida fududeynta aasaaska ganacsiga iyo wadaagista aqoonta iyo khibradda.  sidoo kale waxaa jira khasaarooyin, sida mas’uuliyadda aan xadidnayn iyo khilaafaadka Dadka shirkoobay.

Waxyaabaha Partnership-ku ku Fiican Yahay (Advantages of Partnership).

  • Waa Fududahay in la Aasaaso (Easy to Form): partnership ku uma baahna sharciyo adag iyo kharashaad  aad u badan inakastoo baaxaddiisa ku xirantahay. Badanaa waxa u baahanyahay, heshiis qoraal ama mid afka ah ayaa ku filnaan kara.
  • Wadaagista Raasaulmaalka (Pooling of Capital): Labo ama in ka badan ayaa maalgashanaya, kuwaasi isku keena hanti badan si loo dardargaliyo ganacsiga.
  • Wadaagista Aqoonta iyo Khibradda:  Dadka shirkoobay  waxay keeni karaan xirfado kala duwan (tusaale: mid waa farsamo yaqaan, midna waa suuq-geeye), taas oo kordhisa hufnaanta ganacsiga.
  • Waxay Wadaagaan Shaqada iyo Go’aan Qaadashada:  Culayska shaqada iyo go’aan qaadashada ayaa la qaybsadaa. Arrintani waxay yaraynaysaa daalka iyo cadaadiska shaqo ee ku dhici lahaa hal ganacsade, isla markaana waxay kordhisaa fursada in go’aamo wanaagsan oo miisaan leh la gaaro.

Waxyaabaha Partnership-ku ku Xun Yahay (Disadvantages of Partnership)

  • Masuuliyad Aan Xadidnayn (Unlimited Liability): Dadka shuraakada ah si shakhsi ah ayay uga masuul yihiin deymaha iyo khasaaraha ganacsiga. Hadii ganacsigu guul dareysto, hantida gaarka ah ee shuraakada sida guri ama baabuur ayaa lagu bixin karaa deymaha.
  • Khilaafaadka dhexmari kara dadka shurakoobay:  Waxaa dhici kara ismaandhaaf ku saabsan maamulka ama qaybsiga faa’iidada, taas oo wiiqi karta ganacsiga.
  • Wadaagista Faa’iidada:  Inkastoo faa’iidada ganacsiga ay noqon karto mid badan, hadana waa in la wadaagaa oo xubin kasta ka mida shuraakada ay qadataa qayb ka mida ah faa’idada, taasi oo keenaysa niyad jab, madaama markii hore ganacsigu soosaaray faa’ido badan, markii la qaysadayna ay xubin walba hesha xogaa ka mida faa’idada. Tani waxay la micno tahay in xubin kasta aysan helayn faa’iidada oo dhan.
  • Suurtagalnimada in Ganacsigu Burburo: Ganacsiga partnership-ka ah waxa uu khatar ugu jiraa inuu istaago ama xirmo hadii mid ka mid ah shuraakada uu dhinto, ka baxo ganacsiga, ama uu waayo awoodii shaqo. Hadii markii hore loo diyaarin heshiis cad oo qeexaya xaaladahan, ganacsigu wuxuu wajihi karaa burbur.

Dulamar guud

Shuraakadu faa’iidooyin dhowr ah ayay leedahay marka la barbar dhigo geddislaha (sole trader); maaddaama la isu keenayo maal iyo mood, waxaa macquul ah in la heli karo hanti iyo awood dhaqaale oo ka badan tan geddisluhu heli karo; waxa sidoo kale la isu keenayaa aqoon, xirfado iyo waaya’aragnimo kuwaas oo kor u qaada tayada maamulka iyo wax-qabadka ganacsiga; haddii duruuf ku timaaddo mid ka mid ah dadka shurakoobay, intii kale ayaa shaqada sii wadi karta. Isu imaanshaha laba qof ama wax ka badan si ay u noqdaan shuraako (partnership), waxa ka dhasha xaquuq iyo waajibaad sharci ah.

Tusaale ahaan, haddii mid ka mid ah dadka shirkadda ku jira uu saxeexo heshiis isagoo ku hadlaya magaca shirkadda, wixii ka dhasha waxa mas’uuliyaddeedu saaran tahay xubin kasta oo ka tirsan shurakadaasi.

Si shuraakadu u noqoto mid waafaqsan qaanuunka waa in qoraal la sameeyo. Qoraalkaasina qeexo: magaca dadka shirkoobay; hawsha ay ku shirkoobeen; in shuraakadu tahay mid waqti leh iyo in kale; maalka iyo moodka la isu keenay iyo cidda keentay; mas’uuliyadda qof kasta; sida faa’iidada loo qaybsanayo; iyo waxa laga yeelayo hantida shirkadda haddii qof dhinto, qof ka baxo shuraakada ama shuraakada la kala dirayo.

Share this article with your friends.

Similar Posts

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *