Sababta ganacsatadu u dortaan limited liability company
Baro waa maxay shirkad xudduud leh (Limited Company) iyo iskaashato (Cooperative). Faham faa’iidooyinka, khasaaraha, iyo mas’uuliyadda xaddidan ee limited liability si aad u doorato qaabka ganacsi ee kugu habboon.
Part 2: Hordhac masuuliyadaha ganacsiga
Abuurida ganacsiga waxa ka dhasha masuuliyado badan oo ugu horeyso masuulida deymaha uu ganacsiga soo qaato. Cidda ka masuul noqonaysa deymaha iyo caqabadaha soo wajaha ganacsiga, waxay si toos ah ugu xiran tahay qaabka ganacsiga (Forms of Business) iyo habka sharci ahaan loo diiwaangeliyey.
Maqaaladii hore ee (Part 1: qaababka gancsiga), waxaan si faahfaahsan ugu falanqaynay laba ka mid ah qaababka ganacsiga ee ugu caansan, kuwaas oo kala ah Sole Trader iyo Partnership. Labadan qaab ee ganacsi waxay wadaagaan hal arrin oo ah in mulkiilayaasha ay masuul ka yihiin deymaha iyo caqabadaha ganacsiga soo wajaha (unlimited liability).
Mulkiilayaasha iska leh labadan ganacsi midkood waxay la kulmi karaan dhibaato oga timaada ganacsigooda, madaama masuul ka yihiin dhamaan deymaha iyo caqabadaha soo wajihi kara ganacsigooda, waxa khatar gali kara hantidooda gaarka ah iyo naftooda. Tusaale yar ka soo qaad in mulkiilahu deyn u soo qaaday ganacsiga si u kobciyo una balaariyo, hadii dayntaasi uu iska bixin waayo ganacsigu, waxa la xaraashi karaa hantida gaarka ah ee mulkiilaha sida guryaha iyo baabuurta si loo gudo dayntaasi, sidoo kale hadii dacwad lagu soo oogo ganacsiga waxa damaanad qaadaya mulkiilaha. Taasi macnaheedu waa in labadan qaab ganacsi uusan jirin kala sooc u dhexeeya ganacsiga iyo cidda iska leh.
Si loo xalliyo dhibaatada ku imaan karta shirkadda aan xudduuda lahayn (unlimited liability), waxa shirkadda laga dhigi karaa shirko xudduud leh (limited company).
2. Shirko xudduud leh (limited Company)

Waa maxay shirko xudduud leh (limited Company)
Shirkad xudduud leh” (oo inta badan loo yaqaan Limited Company ama Ltd)” waa shirkad ka madax banaan mulkiliyaasha ama saamilayda (Shareholders), sababtoo ah waa shirkad iskeed u taagan oo leh jiritaan sharci oo gaar ah (legal entity) sida qof bani aadam ah oo kale ayay hanti yeelan kartaa, heshiis gali gartaa, deyn qaadan kartaa, maxkamad gali gartaa ama la geyn karaa iyadoo wakiilanaysa qareeno u gaar ah.
Oraahada limited liability (Masuuliyad Xadidan) waxay cadaynaysaa in Mulkiilayaasha ama saamileyda shirkada aysan qaadi doonin masuuliyada deymaha iyo khasaaraha shirkada wax ka badan inta ay ku maalgashadeen shirkadda. Hadii shairkadu guuldareysato ama ama lagu yeesho deymo ka badan hantida ay haysto, dadka saamiga ku leh (shareholders) lama qaadan karo hantidooda gaarka ah sida guryahooda ama lacagta ugu jirta bangiyada, kaliya waxay khasaarayaan intii ku maalgashadeen.
Tusaale ahaan, ka feker shirkad lagu magacaabo “Xamar electronic LTD.” Shirkadan waxay ku hawlan tahay soo saarista agabka elektarooniga ah.
Waxa maalgashaday saamilay badan, mid kasta oo ka mid ah waxuu ku maalgashaday $10,000.
Haddii shirkada mustaqbalka lagu yeesho deymo xad dhaaf ah ama la kulanto ganaax sida in lagu qasbo inay bixiso magdhow ayna awoodi weydo inay gudo waa jibaadka lagu leeyahay sababbo la xariira inaysan haysan lacag kufilan. Markaas wax lagu qasabnaan donaa in la xaraasho hantida ay ku shaqaynayso sida qalabka wax soosaarka, baaburta iyo dhismayaasha magaceeda ku diwaan gashan.
Mulkiilayaasha (shareholders) waxay waayidoonaan oo kaliya lacagta ay ku maalgashadeen, taas oo ah $10,000 qofkiiba intaas bay ku xadidantahay. Looma gudbi karo hantidooda khaaska ah sida guryahooda ama lacagta ugu jirta bangaiyada.
Sharuudaha looga baahanyahay diwaangalinta shirkadaha Xaduuda leh (Limited company)
- Magac Gaar ah: Magaca shirkadda waa inuu noqdaa mid cusub oo aan horay loo loo istimaalin. Magaca waa in lagu daraa ereyga “Limited (Ltd)” ama “Incorporated (Inc) sida ku cad XEER-NIDAAMIYAHA SHARCIGA SHIRGADAHA ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuurida Fadraalka Somaaliya si loo muujiyo in mas’uuliyada saamileyda ay xaddidan tahay.
- Ciwaan (Address): Caddeynta goobta ay shirkaddu ku taalo (Registered Office Address).
- Saamilayda (Shareholders): waa in lahelaa ugu yaraan hal ama ka badan saamiley ah oo leh shirkada saamigeeda.
- Saami (Share Capit): Waa in la cadeeyaa raasumaalka lagu aasaasay shirkadda iyo saamiga uu qof walba leeyahay.
- Heshiiska iyo Xeerka Shirkadda: Shirkaddu waa inay leedahay dukumentiyo sharci ah oo qeexaya ujeedada shirkadda, habka maamulka iyo xeerarka gudaha ee shirkadda.
Faa’idooyinka Limited Company (Adantages of Limited Company)
- Masuuliyad xadidan (unlimited liability): Faa’iidada ugu weyn ee Limited Company waa mas’uuliyadda xadidan. Mulkiilayaashu masuul kama aha deymaha shirkadda wax ka badan saamiga ay ku leeyihiin, Hantidooda gaarka ah lama qaadi karo si loo bixiyo deymaha shirkadda.
- Nidaam maammul oo qeexan: Shirkadu waxay leedahay qaab maamul oo cad sida gudi maamul iyo agaasimeyaal. Haddii loo baahdo maalgelin dheeri ah, waxay iibin karaan saamiyo si ay u helaan lacag. Sidoo kale, way fududahay in xubno cusub ku soo biiraan.
- Sumcad Sare: Shirkadaha noocan ahi waxay leeyihiin kalsooni iyo sumcad sare marka loo eego ganacsiyada yaryar, taas oo u fududaysa inay la macaamilaan bangiyada, maalgeliyaasha iyo inay galaan heshiisiyo waaweyn.
- Maalgelin Fudud: Waxay si fudud hu helaan maalgelin maadaama ay soo jiidan karaan maalgeliyaasha iyagoo iibinaya saamiyo ama waxay deymo ka qaadan karaan bangiyada.
- Sii Jiritaan (Perpetual Succession): Limited Company waxay leedahay sii jiritaan sharci ah (perpetual succession) dhimashada ama bixitaanka xubin ka mid ah saamilayda saameyn weyn kuma yeelato jiritaanka shirkadda.
- Kala Saarid Maaliyadeed: Lacagta ama hantida shirkada iyo tan qofka waa kala duwan yihiin.
Khasaaraha limited company (disadvantages of limited company)
- Kharashaadka oo Sareeya (Higher Costs): Limited Company waxay leeyihiin kharashaad aad badan, waxa ka mida kharashaadka sida:
- kharashaadka diiwaangelinta
- Xisaabin (accounting fees)
- Qareen ama lataliye sharci
- Kharashaadka sanad laha ah
- Xeerar iyo Shuruuc Adag (Legal and Regulatory Compliance): Shirkaddu waa inay u hogaansantaa sharciyo iyo nidaamyo badan, sida diyaarinta warbixino maaliyadeed oo sanadle ah, canshuuro gaar ah, ilaalinta xeerarka ganacsiga iyo xeer hoosaadka maamulka shirkada.
- Macluumaad daah Furan (Public Disclosure): Shirkaddu waa inay soo bandhigtaa macluumaadkeeda maaliyadeed iyo nidaamka maamulkeeda sida:
- Magacyada maamulayaasha (directors)
- saamileyda (shareholders) iyo
- xogta maaliyadeed ee shirkadda
- Go’aan Qaadasho Gaabis Ah (Slower Decision Making): go’aannada muhiimka ah badanaa waxay u baahanyihiin ogolaanshaha saamileyda shirkadda, Hadii shirkadu leedahay shareholders (saamilay) badan waa adagtahay in lawada kulmo iyo in lawada qaato go’aan midaysan.
- Canshuur Laba heer ah (Double taxation): Dalala qaarkood, shirkadaha Ltd waxay bixiyaan laba canshuurood.
Waa maxay Double taxation
Double taxation micnihiisu waa faaidada shirkadadu samaysay waa in laga bixiyaa canshuur (Corporate tax), kadib isla faa’idadaas markay shirkadu u qaybiso saamilayda, xubin kasta oo kamida saamilayda waa inuu bixiyaa Canshuurta Faa’iidada Saamileyda (Dividend Tax).
Marka kowaad: waxa laga qaadaa canshuurta faa’iidada shirkadda (Corporate tax)
Marka labaad: hadii ay shirkadu u qaybiso saamilayda (shareholders) faa’idada (dividend) isla markaas saamilayda waxa laga qadaa canshuur gaar ah (Dividend Tax).
Dividend Tax waa canshuur laga qaado faai’dada laga helo saamiga shirkad ku leedahay ama faaidada laga helo maalgashi.
Sidaas dardeed faa’iidada shirkada Ltd mararka qaarkood waxa laba jeer laga qaadi karaa canshuur.
Sababta Ganacsatadu u Doortaan Limited Liability Company (LLC)
Limited Liability Company (LLC) waa mid ka mid ah qaababka ganacsi ee ugu badan ay doortaan ganacsatadu. Sababta ugu weyn waa ilaalinta hantida shakhsiga ah iyo credibility (sumcad ganacsi).
Mulkiilayaasha LLC khasaaraha iyo deymaha ay gasho shirkadooda kama bixiyaan hantidooda gaarka ah. Shirkada sidata magaca LLC waa mid si weyn ugu kalsonaan karaan macaamiisha, maalgashadayaasha iyo bangiyada.
1. Iskaashato (Cooperative)

Waa Maxay Iskaashato (Cooperative)?
Ma maqashay “maahmaahdii ahayd Gacamo wadajir bay wax ku goyaan”
Iskaashato waa urur ama shirkad ay wada leeyihiin dad isku dano ah oo iskaashanaya si ay u hormariyaan una daboolaan baahiyahooda dhaqaale, nololeed iyo guud ahaan bulshadooda iyadoo la wadaagayo kheyraadka, kharashaadka, iyo faa’iidada.
Tusaale ahaan; Ka soo qaad 20 beeralay ah oo ku wada nool tuulo ku taal agagaarka webiga Shabelle. Mid kasta wuxuu soo saaraa 20 jawaan oo galey ah. Hadii mid kasta suuqa keligiis geeyo, waxaa laga yaabaa in ganacsatada waaweyn ay kaga iibsadaan qiimo aad u hooseeya. Laakiin haday samaystaan Iskaashato, waxay isku darsanayaan 20 kooda jawaan, waxayna gorgortan la geli karaan shirkadaha waaweyn iyagoo ku helaya qiimo sareeya.
Taa badalkeed, hadii ay doonayaan inay soo iibsadaan qalabka wax soosaarka beeraha sida cagafta oo kale. Hadii mid kasta suuqa keligiis ka soo iibsado waxa laga siin donaaa qiimo aad u sareeya, lakiin haday isku tashadaan oo jumlo ku soo iibsadaan waxa laga siin donaa qiimo hoose ama waxay go’aansan karaan inay soo iibsadaan 10 cagaf oo keliya, si labadii beeraley ah u wadaagaan hal cagaf, taasoo si weyn u yareyneysa kharashaadka isla markaana kordhineysa waxsoosaarka.
Asal ahaan, sharikaadka noocaan ahi waxay ku badnaan jireen beeralayda, kadibna waxay ku faafeen wax-soo- saarka yar-yar. Xilliga maanta ah, nooc kasta oo ganacsi ah, waa uu noqon karaa iskaashato.
Dhinaca shuruucda wax weyn kama duwana sharikaadka xaddidan (limited companies), sida, in aan loo raacan karin qofna wax ka badan intuu ku maalgashadday haddii dayni timaaddo (limited liability) iyo in la iska rabo xisaab xir, iwm.
Faa’idooyinka (Advantages) iyo Khasaaraha (Disadvantages) ee Cooperatives (iskaashato)
Iskaashato (Cooperative) waa qaab ganacsi oo ku dhisan wada lahaansho iyo wada shaqeyn. Laakiin sida qaab kasta ganacsi, waxa uu leeyahay faa’iidooyin iyo caqabado.
Faa’iidooyinka Cooperatives (Iskaashato)
- Dimuqraadiyad (Democratic Control): Iskaashatadu waxay ku dhisan yihiin mabda’a “Hal xubin Hal cod.” dhammaan xubnaha waxa ay leeyihiin cod iyo awood siman, mabda’an waxa u kor u qadaa kalsoonida xubnaha.
- Dan Wadaag (Member Benefit Focus): Ujeedada ugu weyn ee iskaashato waa in xubnaha la siiyo adeegyo ama badeecooyin qiimo jaban iyo in xubnaha laga caawiyo baahiyohooda.
- Kharash Wadaag (Shared Costs): Marka xubno badan si wadajir oo jumlo ah u iibsadaan alaab ama qalab, qiimuhu wuu yaraadaa isla markaana waxay leeyhiin awood gorgortan.
- Mas’uuliyad Xaddidan (Limited Liability): Mas’uuliyada xubnaha waxay ku egtahay lacagta ama maalgashiga ay ku leeyihiin iskaashatada, taasoo ilaalinaysa hantidooda gaarka ah hadii dhibaato dhaqaale timaado.
- Taageerada Dowladda (Government Support): Iskaashatooyin badanaa waxay helaan taageero dowladeed sida deeqo iyo cashuur dhimis.
Khasaaraha Cooperatives (Iskaashato):
- Maalgelin Xaddidan: Iskaashatadu way ku adag tahay inay helaan maalgelin weyn, sababtoo ah awooda iyo maamulka waa loo simanyahay, sidoo kalena ma jiraan saamiyo si fudud loo iibin karo sida shirkadaha LTD.
- Khilaaf iyo Muran (Conflict and Disputes): Xubnaha iskaashatooyinka waxa dhexmara kala aragti duwanaasho, taasi oo sabab u noqota khilaaf iyo muran.
- Sir la’aan (Lack of Privacy): Maadaama iskaashato ay ka kooban tahay xubno badan, way adagtahay in sirta shirkada la ilaaliyo.
- Go’aan Qaadasho Gaabis ah (Slow Decision-Making): Helitaanka heshiis dhex mara xubno badan iyo in hal go’aan la isla gaaro waxay qaadataa waqti iyo dood dheer, taasoo ka dhigaysa go’aan qaadashadu mid gaabis ah.